Milestone: Completion of Berbera Site

Bushaaro Wanaagsan

Waxaanu ugu bushaaraynaynaa maalgashadayaasha sharafta leh in Shirkadda Pontus marine ay ka soo gudubtay heerkii dhismaha iyo qalabaynta shirkadda hadana ay u diyaar garoobayso xiligii wax soo saarka. Waxaanu jecelahay hadaanu nahay hawl wadeenada shirkadda in aanu idiin soo gudbino halka wax marayaan:
1- Waxaa dhamays tirmay dhismii xarunta Berbera.
2- Sidaad la socotaan waxaa hore loo geeyay xarunta aynu ku leenahay Berbera baraf dhaliye soo saaraaya 10 tan maalintii oo hada shaqeeya.
3- Waxaa iyana dhawaan gaadhay Processing centre loogu tala galay in kaluunka lagu habeeyo.
4- Waxaa iyana hada lagu hawlanyahay dukaamadii iibka kaluunka oo laga furayo Hargaysa ayadoo la gaadhsiin doono magaalooyin ka kale. Ayadoo qalabkii la dhigi lahaa dukaamadaasi  yaalo hada Berbera.
5- Waxaa iyana shirkadu ku hawlantahay tababarkii shaqaalaha iyo diyaarintooda.

6- Waxaa iyana la filayaa in ay gaadhaan doonyihii kaluumaysigu qaarkood dhawaan.
7- Waxay shirkadu rajaynaysaa on ay bishan September hawl gasho oo wax soo saarkii bilawdo.Hadaba waxaanu mahad naq u soo jeedinaynaa dhamaan dadkii maalgashaday shirkadda oo fadliga Ilaahay dabadii  suurta geliyay in ay qabsoonto guushaas ay gaadhay shirkaddu.
Sidoo kale si ay ku dheehantahay qadarin iyo xushmayn uga codsanaynaa dhamaan xubnaha maalgashaday shirkadda in ay u soo duceeyaan wixii talo iyo tusaale ahna  aanay nagala hagran.Hawl wadeenada shirkadda
Pontus marine