Message From The CEO

Mohammed Yusuf Ali Guray; Gudoomiyahay Shirkada Pontus Marine waxa uu idiin soo gudbinayaa xog gaaban oo ah xogtii shirkada ilaa bishii May ee ina soo dhaaftay.Sidii aan ku sheegay warbixintii bishii May ee sanadkan waxay ahayd in la qabto shirwayne guud oo London ka dhaca bishii June ee la soo dhaafay, mid kaa la mid ahani waxa uu ka dhacayay Hargaisa isla taasoo ku beegnayd marka ay qurbo joogto soo noqoto. Corono Virus iyo dawlada ayaa hakiyay in shirkaasi qabsoomo walina lama oga xiliga la fasixi doono in la qabto shirarkaasoo kale.Waxaan mar kale ku celinayaa go’aanka ah in mar kale shirarkaasi ay qabsoomi doonaan haddii Allah yidhaahdo, waa marka ay dawladu fasaxdo. Intaa waxaa soo raaca in aan diyaar u ahay inaan saamilayda shirkada kala hadlo wixii warbixin guud iyo mid gaar ah ba..Mohammed Yusuf Ali20thJuly 2020